Hordhac: Roma Vs Liverpool? Giallorossi Mise Reds? Kooxdee Finalka Champions League Ugu Tagi Doonta Real Madrid

Liverpool ayaa booqan doonta Roma kulan ka tirsan lugta 2-aad ee semi-finalka champions League xilli ay ku hogaaminayaan 5/2 laakiin Reds ayaa ka wal-walsan rikoorka soo laabashada ee kooxda reer Italy.

Mohamed salah ayaa kooxdiisa u hor seegay guul weyn iyaga oo haatan doonaya in ay dhaaystiraan shaqadii ay bilaabeen lugtii hore ee tartanka.

Kooxda reer Italy ayaa si cajiib ah uga soo laabatay guuldaro 4/1 ah oo ay kala kulantay kooxda Barcelona waxana ay isha ku hayaan in ay sidaas samyeeaan mar kale.

Kulanka: Roma Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Olimpico

XAQIIQOOYINKA HORYAALKA:

Ma Jirto Koox Dhanka kale u rogtay guul daro 5/2 ah oo ay la kulantay lugtii hore iyada oo ku ciyaaraysay meel ka baxsan garoonkeeda tartanka European Cup / Champions League markii ugu dambaysay ee natiijadaas kulan ka dhcdo ayaa ahayd 1999/2000 markaas oo ay Valencia ku reebtay Lazio 5/3 labadii lugood 5/2 lugtii hore ah iyo 0/1 lugtii dambe ah.

Kulankii lugtii hore ayaa laga dhaliyay 7 gool oo labada kooxood ah waana rikoorka ugu badan ee Semi-finalka champions League iyaga oo la mid ah Markii ay Ajax 5/2 ku garaacday Bayern Munich sanadkii 1995.

Liverpool ayaan wali guuldaro kala kulmin Roma tartan European Cup/Champions League ah 4 kulan oo ay la ciyaartay 4 guuldaro ayay kala kulantay 4 kalena bar-baro ayay la gashay.

Reds ayaa ka soo muuqdan doona markii 10-aad semmi-finalka tartanka European Cup/Champions League waxa ay Finalka u gudbeen 7 ka mi ah 9-kii kulan ee hore iyaga oo laga badiyay kaliya 1964/1965 oo ay Inter Milan guuldaro kala kulantay iyo 2007/2008 markaas oo ay guuldaro kala kulantay Chelsea.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

5 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Hordhac: Roma Vs Liverpool? Giallorossi Mise Reds? Kooxdee Finalka Champions League Ugu Tagi Doonta Real Madrid

Halkaan Ku Qor Fikirkaada