Hordhac: Real Madrid Vs Celta Vigo: Los Blancos Oo Doonaysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu Stadium ku marti galin doonta kooxda Celta Vigo Kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 37-aad.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa 3-da dhibcood ee kulanka si ay uga soo kabsato guuldaradii ka soo gaartay kooxda Sevilla.

Halka ay kooxda Celta Vigo doonayso in ay kooxda Real Madrid ka gaarto guusheedii ugu horaysay kadib 7 kulan oo ay bilaa guul ahayn.

Kulanka: Real Madrid Vs Celta Vigo

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonk: Santiago Bernabéu Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Celta Vigo ayaan wax guul ah ka gaarin Real Madrid 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee horyaalka La Liga iyada oo kala kulantay 6 guuldaro iyo hal bar-baro iyada oo laga dhaliyay 25 gool.

Real Madrid ayaan guuldaro la kulmin 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee La Liga ay ku ciyaartay garoonkeeda iyada oo gaartay 6 guulood iyo 2 bar-baro.

Celta Vigo ayaa ilaa haatan Real Madrid ka dhalisay 136 gool oo La Liga ah intii ay joogtay horyaalka La Liga taariikhdeeda waana inta ug badan ee ay ka dhalisay koox kale oo horyaalka ah.

Toni Kroos ayaa dhaliyay 3 gool kulamadii uu ka hor yimid kooxda Celta Vigo waana kooxda ugu badan ee uu goolal ka dhaliyay taariikhdiisa La Liga.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada