Hordhac: Real Madrid Mise Bayern Munich? Kooxdee Noqon Doonta Kooxda Ugu Horaysa Ee Iska Xaadirisa Finalka Champions League

Real Madrid Mise Bayern Munich? Waxa si Rasmi ah loo ogaan doonaa kooxda iska xaadirisa Finalka champions League xilli ciyaareedkan kulan u dhexayn doona kooxaha Real Madrid.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyada oo kulankii hore ee Allainz Arena ku soo badisay 2/1 uguna cad-cad in ay u soo baxdo Finalka markii 3-aad oo xiriir ah.

Laakiin Bayern Munich ayaan wali ka rajo dhigin in ay Real Madrid ka hor istaagto in ay Finalka gaarto iyaduna sanadkan calafkeeda ku tijaabiso Finalka.

Kulanka: Real Madrid Vs Bayern Munich

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Santiago Bernabéu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ma Jirto Koox dhanka kale u rogtay una soo baxday wareega xiga kadib markii garoonkeeda looga badiyay 2/1 kulan ka tirsan tartanka champions League.

Bayern Iyo Real ayaa kulmi doona markii 26-aad ee tartamada yurub waana labada kooxood ee isugu araga badan, Real ayaa badisay 12 halka ay Bayern Badisay 11 kale 2 kulana bar-baro ayay ku heshiiyeen.

Bayern Munich ayaa guuldaro kala kulantay Real Madrid 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegyada sida tooska ah loo haro champions League waana rikoorkooda ugu dheer ee ay guuldaro kala kulanto koox kaliya tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa 9 gool ka dhaliyay kooxda Bayern Munich tartanka champions League waana xiddiga kaliya ee goolasha ugu badan ka dhaliyay koox kaliya tartanka isla Ronaldo ayaa 10 gool ka dhaliyay Juventus.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada