Hordhac: Newcastle United Vs Chelsea: Blues Oo Aan Guul Ku Gaarin St. James’ Park 4-tii Kulan Ee Ugu Dambasay

Kooxda chelsea ayaa u safrid doonta kooxda Newcastle United kulan ah midkii ugu dambeeyay ee horyaalka ee labada kooxood ee xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyada oo wali rajo fiican ka leh in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay rajadeedu ku xirantahay Liverpool.

Dhanka kale kooxda Newcastle ayaa kulanka soo galaysa iyada oo aan wa guul ah gaarin kulamadii ugu dambeeyay ee ay horyaalka ciyaartay.

Kulanka: Newcastle United Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: St. James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle United ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Chesea 4-tii kulan ee ay marti galisay waxana ay ugu yaraan ka dhaliyeen 2 gool kaliya 2 kooxood ayaa ugu yaraan 2 gool ka dhaliyay Blues 5 kulan oo xiriir ah waxana ay kala yihiin Liverpool intii u dhexaysay 1992 ilaa 1997 iyo Leicester City, shan sano intii u dhexaysay 1998 iyo 2002.

Chelsea ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Newcastle iyaga oo badiyay 3 bar-barana galay 1, iyagoo dhaliyay 12 gool kulamadaas.

Markan ayaa ah markii 3-aad ee ay labadan kooxood wada kulmaan maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka premier League kaliya Chelsea Vs Everton ayaa ciyaaray kulamo badan maalinta ugu dambaysay.

Kooxda chelsea ayaa gaartay guusha ugu weyn ee maalinta ugu dambaysa ee taariikhda horyaalka premier League iyaga oo 8/0 uga badiyay Wigan Athletic sanadkii 2009/2010.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada