Hordhac: Liverpool Vs Brighton and Hove Albion: Reds Oo Dhibic Kaliya U Baahan Si Ay Ugu Soo Baxdo Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Brighton and Hove Albion kulan ah kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qlbiga ku haya in ayna wali u soo bixin champions league xilli ciyaareedka dambe laakiin bar-baro uu uga filan yahay in ay u soo baxaan.

Dhanka kale kooxda Brighton and Hove Albion ayaa kulanka soo galaysa iyada oo aanu wax cadaadis ah saarnayn maadama ay wakhti hore xaqiiqsadeen sii joogista horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Liverpool Vs Brighton and Hove Albion

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan guuldaro la kulmin 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay garoonkeeda kula ciyaareen kooxaha u soo dalacay premier League 16 way badiyeen 5 kale bar-baro ayay la galeen tan ilaa markii ay guuldarada 2/1 ah kala kulmeen Blackpool sanadkii 2010/2011.

Hadii ay Reds ka fogaato guuldaro waxa ay noqon doontaa markii 7-aad ee ay guuldaro ku dhamaystaan garoonkeeda horyaalka waana kooxda ugu badan ee sidaas samaysay.

Mohamed salah ayaa wali u baahan ha gool si uu u dhigo rikoor cusub oo ah xiddiga ugu goolasha badan xilli ciyaareed kaliya oo 38 kulan ah si kasta ha ahaatee xiddiga reer Egypt ayaan goo dhalin laba kulan oo xiriir ah markii 2-aad xilli ciyaareedkan.

Glenn Murray ayaa si toos ah ugu lug lahaa sadexdii gool ee ay kooxdiisu ka dhalisay Liverpool kulamadii hore ee uu ka hor yimi laba gool ayuu dhaliyay halka uu mid kale caawiye ka noqday.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada