Hordhac: Levante Vs Barcelona: Blaugrana Oo Ku Sii Dhaawaanaysa In Ay Guuldaro La,aan Ku Dhamaysato Xilli Ciyaareedka

Kooxda Barcelona ayaa laba kulan oo kaliya u jirta in ay guuldaro la,aan ku dhamaysato xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga Iyaga oo isku diyaarinaya in ay la ciyaaraan Levante.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa ku guulaystay horyaaalka La Liga markii ay 4/2 uga badisay kooxda Deportivo La Coruna dhamaadkii bishii April waxana ay rikoorkooda guuldaro la,aanta ah sii wadeen markii ay bar-baro 2/2 ah la galeen Real Madrid Axadii.

Barcelona ayaa 5/1 ku xasuuqday kooxda Villarreal Arbacadii waxana ay leeyihiin 90 dhibcood iyaga oo 15 dhibcood ka horeeya Atletico Madrid.

Kulanka: Levante Vs Barcelona

Tartanka: La Liga:

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Estadio Ciudad de Valencia

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa kaliya hal kulan guudaro la kulantay 23-kii ulan ee ay la ciyaartay kooxda Levante horyaalka La Liga waana kulankii ay guuldarada 5/1 ah kala kulantay sanadkii October 1964.

Catalans ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen garoonka Ciutat de Valencia horyaalka La Liga, iyagoo shabaqa ilaashaday seddex kulan oo ay ciyaareen.

Lionel Messi ayaa ku lug lahaa 27 gool 13kii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid Levante (16 gool iyo 11 caawiye).

Andres Iniesta ayaa seddex gool caawiyey kulan kaliya oo horyaalka La Liga ah markii ugu danbeysay ee uu ku ciyaaro Garoonka Ciutat de Valencia bishii November 2012.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada