Hordhac: Leicester city Vs Arsenal: Gunners Oo Doonaysa In Ay Si Fiican Ku Dhamaysato Horyaalka Guulo-na Ku Sagootido Arsene Wenger

Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta kooxda Leicester city kulan ka tirsan kulamadii baaqiga u ahaa labada kooxood kana tirsan horyaalka premier League.

Gunners ayaa wali sii wadi doonta in ay si fiican u sagootida tababare Arsene Wenger kadib markii ay kulankii ugu dambeeyay ee Arsene Wenger ee Emerites ugu soo xireen guul weyn.

Wenger ayaa kooxda ka tagi doona laba kulan kadib marka uu dhamaado xilli ciyaareedka kooxda Arsenal kadib markii uu xaqiijiyay in uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Leicester city Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: King Power Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay Leicester city ka guulaystay Arsenal kulankeedii ugu horeeyay ee Premier League ee bishii November 1994 guul ay 2/1 ku gaartay garoonka Filbert Street, waxay ku guuldareysteen inay garaacaan 22kii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa markaas.

Arsenal ayaan guuldaro kala kulmin 22 kulan kooxda Leicester city horyaalka Premier League ah waana rikoorkooda ugu dheer ee koox kaliya ee taariikhda horyaalka heerka 1-aad.

Tababaraha Leicester city ee Claude Puel ayaa guuldaro kala kulmay Arsenal labadii kulan ee uu garoonkiisa kula ciyaaray iyaga oo cel-celsi ahaan kaga badiyay 7/0 labada kulanba waxa uu tababare u ahaa Southampton.

Jamie Vardy ayaa shan gool ka dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu Premier League la ciyaaray Arsenal, isagoo dhaliyay Labada lugoodba

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada