Hordhac: Huddersfield Town Vs Arsenal: Arsene Wenger Guul Maku Macasalaamayn Doonaa Premier League

Kooxda Arsenal ayaa u safrid oonta kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa kulanka u soo gali doonta sidii ay guul ugu macasalaamayn lahayd Arsene Wenger kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal 22 sano kadib.

Dhanka kale kooxda Huddersfield Town oo bar-baro ku qabatay labada kooxood ee Man city iyo chelsea ayaa doonaysa in ay dhamaystirto shaqada guulna ku soo xirato xilli ciyaareedkeeda.

Kulanka: Huddersfield Town Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: John Smith

XAQIIQOOYINKA KULAN:

Huddersfield Town ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaareen Arsenal,inkastoo tani ay tahay kulankoodii koobaad tan iyo bishii August 1971.

Kooxda Arsenal ayaa min 5 gool ku badisay laba kulan xilli ciyaareedkan iyada oo kaga kala badisay kooxaha Burnley iyo Everton markii ugu dambaysay ee ay sidaas samaysay ayaa ahaa 2007/2008 markaas oo ay kaga badiyeen kooxaha Derby Cunty Iyo Everton.

Afar ka mid ah 13 saddexley oo la dhaliyay maalinta ugu dambaysa horyaalka ee xilli ciyaareedka ayaa ka yimid xiddigaha Arsenal kuwaas kala ah Freddie Ljungberg (2003),Thierry Henry (2006), Theo Walcott (2015) iyo Olivier Giroud (2016).

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 828-aad ee Arsene Wenger iyo midkii ugu dambeeyay ee premier League ee uu Arsenal hogaaminayay garoonka John Smith’s Stadium waxa uu noqon doonaa garoonkii 54-aad ee uu ku hogaamiyo Arsenal saddexda garoon ee uu ku fashilmay in uu ku badiyo ayaa kala ah (Bramall Lane, Hillsborough iyo Valley Parade).

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada