Hordhac: Brighton and Hove Albion Vs Man United: Red Devils Oo Iska ilaalinaysa In Lagu Dhigo Rikoor Aan Horay Loogu Dhigin

Kooxda Man United ayaa u safrid doonta Amex Stadium iyada oo kula ciyaari doonta kooxda Brighton and Hove Albion kulan ka tirsan todobaadka 37-aad ee horyaalka premier League.

Red Devils ayaa u baahan hal dhibic si ay Si Rasmi ah ugu dhamaysato kaalinta 2-aad ee kala saraynta una xaqiiqsato booskeeda champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale kooxda Brighton and Hove Albion ayaa wali u dagaalamaysa in ay ka fogaato boosaska looga haro tartanka premier League.

Kulanka: Brighton and Hove Albion Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Amex Stadium

Manchester United ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay ee ay la ciyaartay kooxda Brighton & Hove Albion tartamada oo dhan, iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin si kasta ha ahaatee dhamaan kulamadaas waxay ka dheceen Old Trafford.

Amex Stadium ayaa noqon doona garoonkii 58-aad ee ay Man Utd ku ciyaarto Premier League. Waxay ku guuleysteen 50 ka mid ah 57 garoon kaliya Liverpool oo 54 ku badisay iyo chelsea (51 ayaa ka badan rikoorkaas.

Brighton ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaarto habeen jimce ah Laakiin Man United ayaan waligeed laga badin kulan premier League ah oo ay ciyaartay Jimce.

Kadib Markii ay guuldaro kala kulantay kooxaha Newcastle United & Huddersfield Town xilli ciyaareedkan, United ayaa iska ilaalinaysa in ay ka fogaato in ay guuldaro kala kulanto 3 kooxood oo u soo dalacay Horyaalka markii ugu horaysay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada