Hordhac: Barcelona Vs Villarreal: Blaugrana Oo Ku Sii Dhawaanaysa In Ay Guuldaro La,aan Ku Dhamaysato Xilli Ciyaareedka La Liga

Kooxda Barcelona ayaa ciyaari doonta kulankii ugu horeeyay 3-da kulan ee uga harsan dhamaadka horyaalka La Liga waxana ay doonayaan in ay xilli ciyaareedka ku dhamaystaan rikoorka guuldaro la,aanta.

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay sii wadato rikoorkeeda guuldaro la,aanta ah xilli ciyaareedkan La Liga marka ay garoonkooda ku soo dhaweeyaan kooxda Villarreal.

Tababare Ernesto Valverde ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay bar-baro 2/2 ah kulankii Real Madrid ee El Clasico xilli ay wakhti hore ku guulaysteen horyaalka waxa ay doonayaan in ay ka fogaadaan guuldaro inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Barcelona Vs Villarreal

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa gacan saraysa taariikhda kulankan iyada oo badisay 22 kulan kaliyana guuldaro la kulantay 8 kulan 40 kulan oo ay la ciyaartay Villarrea.

Barcelona ayaa badisay 7dii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku kulmaan Camp Nou. Waxay badiyeen 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Villarreal ayaa ka fogaatay inay guul darreystaan ​​59% xilli ciyaareedkan kulama horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa badisay kaliya 5 kulan 9kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan ee ay ka hor tagtay kooxda Villarreal.

 

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada