Hordhac: Arsenal Vs Burnley: Arsene Wenger Oo Gunners Hogaamin Doona Kulankiisii Ugu Dambeeyay Ee Emirates

Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 37-aad.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay ka soo laabato niyad jabkii labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay.

Wiilsha Arsene Wenger oo guuldaro kala kulantay kooxaha Man United oo premier League ah iyo Atletico Madrid oo Europe League ah.

Dhanka kale kooxda Burnley ayaa isha ku haysa in ay guul ka gaarto kooxda Arsenal si ay ula dhibco noqoto kooxda Arsenal waliba kula dagaalanto booska loogu soo boxo Europe League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Arsenal Vs Burnley

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 Fiidnimo

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah kulankii 606-aad ee Arsene Wenger ee garoonka Emirates Stadium waana kulankii ugu dambeeyay ee tababaraha Arsenal kulankiisii ugu horeeyay ee Emirates ayuu ku bilowday bar-baro 0/0 ah oo ay kooxdiisu la gashay Coventry City 19 October 1996.

Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal la ciyaartay kooxda Burnley ayay Gunners guusha gaartay daqiiqadii 90-aad waana kulanka kaliya ee taariikhda tartanka saddex kulan oo xiriir ah la go,aamiyay daqiiqada 90-aad.

Burnley ayaanan garaacin Arsenal sagaalkii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay 7dii kulan ee ugu danbeysay. Guushoodii ugu danbeysay ee ay ka gaareen Gunners ayaa ahayd League cup bishii December 2008 markaas oo ay 2/0 ku garaacday.

Kooxda Burnley ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka waana in ka badan inta ay Arsenal badisay dhamaan xilli ciyaareedkan.

 

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada