Goolhayaha Juventus Ee Gianluigi Buffon Oo Magacaabay 3-dii Xiddig Ee Ugu Adkaa Ee Uu Wajahay Xirfadiisa Ciyaareed

Goolhayaha Kooxda Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa magacaabay seddexda ee ugu fiicnaa ee uu Abdi ka hor yimid ama la ciyaaray xilli uu isku diyaarinayo in uu ka fariisto ciyaaraha kubada cagta.

Gianluigi Buffon ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee tartanka Coppa Italia marka ay kooxdiisu caawa finalka tartanka la ciyaari doonto kooxda Ac Milan kulan ka dhici doona garoonka Stadio Olimpico.

Goolhayaha reer Italy ayaa sheegay saddexdii xiddig ee ugu adkaa ee uu ka yimid noloshiisa ciyaareed isaga oo magacaabay xiddigaha Cristiano Ronaldo,Lionel Messi iyo halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yiri”Waxa aan wajahay xiddigo waaweyn, ma xasuusan karo dhamaantoo”ayuu Buffon qirtay markii la waydiiyay xiddigii ugu adkaa ee uu wajaho. “Laakiin Messi,Cristiano iyo Ronaldo aya ah saddexdii xiddig ee ugu adkaa ee aan wajoho xirfadayda ciyaareed”.

Halyeeyga reer Brazil ayaa kaga hortagay markii uu Buffon joogay Parma isaga oo laba gool ka dhaliyay sidoo kale goolal kaga dhaliyay champions League markii uu joogay Real Madrid.

Si la mid ah xiddigaha Messi iyo Ronaldo ayaa Buffon nolosha kaga dhigay mid adag iyaga oo dhawr jeer kaga hor tagay tartanka champions League waliba labadooduba goolal ka dhaliyay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada