Emre Can Oo Ku Dhaw In Uu Dhamaystiro Heshiis Uu 4.4 Milayn ku Qaadanayo Sanadkii

Waxa ay is daba jiidanaysay muddo bilow ah laakiin haatan waxa haatan la rumaysan yahay in uu Emre Can ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ayuu dhacayaa heshiiskiisa Liverpool xagaaga waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Anfield ku ciyaarta.

Sida laga soo xiganayo wararka Italy Can ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Juventus isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis ku kacaya 4 milyan sanadkii.

Can ayayna u badnayn in uu mar kale u ciyaaro kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo ku dhibaatoonaya in uu ka soo kabsado dhaawac dhabarka ah.

Xiddiga oo haatan dawayn ku maraya Germanya ayaa bartilmaamedsanayay in uu ku soo laabto tababarka todobaadkan.

Laakiin xiddiga ayaan ogolaansho loo siin kadib markii uu baaritan uu maray sheegay sheegay in uu xiddigu wali u baahan yahay baaritaan kale.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada