Eden Hazard Oo Ku Sii Dhawaanaya Real Madrid & Madaxweynaha Kooxda Reer Spain Oo Xiddiga Ku War Galiyay Wakhtiga Uu Dalabka Ka Gudbin Doono Adeegiisa

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa talaabo muhiim ah u qaaday ka tagista kooxda chelsea iyo waliba ku biirista kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Hazard ayaa kaydka ka soo kacay kulankii Arbacadii ay Blues bar-baraha 1/1 ah la gashay kooxda Huddersfield taas oo god ku riday rajadooda u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Arintaas ayaana sabab weyn u in uu xiddiga reer Belguim u doonayo in uu isaga tago kooxda chelsea uguna biro kooxda Real Madrid xagaaga.

Real Madrid ayaa diirada ku haysay xiddiga muddo dheer iyaga oo adeegiisa ku raad joogay xilli uu Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane taageero weyn u yahay xiddiga.

Milkiilaha kooxda chelsea ee Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa in uu la xiriiray xiddiga una sheegay in uu dalab ka soo gudbin doono kadib dhamaadka champions League.

Madrid ayaa finalka champions League la ciyaari doonto Liverpool 26-ka bisha May waxana ay isha ku hayaan in ay ku guulaystaan tartanka markii 3-aad oo xiriir ah.

Xilli uu Ronaldo haatan yahay 33 Karim Bezema iyo Gareth Bale-na ku dhibaatoonayaan qaab ciyaareedka Madrid ayaa muhiimada 1-aad ka dhigatay Hazard Waxana ay diyaar ula yihiin in ay 100 milyan ku dalbadaan.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada