DEG-DEG: Xiriirka Kubada Cagta Italy ayaa Ku Dhawaaqay In Ay Roberto Mancini U Magacaabeen Tababaraha Cusub Ee Xulka Italy

Xiriirka Kubada cagta Italy ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in ay tababare cusub u magacaabeen Roberto Mancini kaas oo xulka qaranka Hogaamin doona.

Kadib markii uu Roberto Mancini heshiis la gaaray kooxda Zenit in la kansalo heshiiska tababaraha ayuu u soo duulay Rome si uu wadahadalo ula qaato maamulka xulka.

Xiriirka ayaa haatan si Rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Roberto Mancini Yahay tababaraha cusub ee xulka qaranka Italy.

“Xiriirka kubada cagta Italy ayaa heshiis la gaaray tababare Roberto Mancini kaas oo noqon doona tababaraha cusub ee xulka iyada oo si Rasmi ah loo soo bandhigi doono maalinta bari”ayay xiriirku ku soo saareen warbixin.

Waxaa la aaminsan yahay in Mancini uu saxiixay qandaraas ilaa iyo dhamaadka tartanka Euro 2020.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada