Bayern Munich Oo Champions League Uga Hartay Kooxaha Reer Spain 4-tii Sano Ee Ugu Damabysay Oo Xiriir Ah

Xilli ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid lugta 2-aad ee semi-finalka champions League kooxda Bayern Munich ayaa ka war qabta in ay kooxaha reer Spain tartanka ka reebeen 4-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Rikoorka xun ayaa sii socon kara caawa oo salaasad ah marka ay Bayern garoonka Estadio Santiago Bernabeu kula ciyaarto Los Blancos.

Kooxda uu hogaamiyo tababaraha khabiirka ah ee Jupp Heynckes ayaa kooxda Los Blancos guuldaro kala kulmay semi-finalkii 2014 iyo quarter Finalkii 2017 ee tartanka.

Si kasta ha ahaatee ka hor inta uuna rikoorkaas xun bilaabmin kooxda reer Germany ayaa gaartay Finalada 2012 & 2013 iyaga oo reebay kooxda reer Spain ah.

Rikoorka Champions League Ee Bayern Munich ee kooxaha Reer Spain Tan ilaa 2014:

2014 Real Madrid-Bayern 1-0 and 4-0 semi-finals

2015 Barcelona-Bayern 3-0 and 2-3 semi-finals

2016 Atletico-Bayern 1-0 and 1-2 semi-finals

2017 Bayern-Real Madrid 1-2 2-1 (2-4 Wakhti dheeri ah) quarter-final

2018 Bayern-Real Madrid 1-2 ??? semi-finals

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada