Barcelona Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Liita Oo Ay Ugu Dambaysay 15 Sano Kadib Guuldaradii Levante

Kooxda Barcelona ayaa boorka ka jaftay rikoor aad u liita oo ay dhigtay muddo dheer ka hor kadib guuldaradii 5/4 ahayd ee ka soo gaartay kooxda Levante kana tirsanayd horyaalka la Liga.

Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kulan waali ahaa oo la kala dhaliyay 9 gool oo labada kooxood ah kulan ka tirsanaa todobaadkii 37-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa laga dhaliyay 5 gool shabaqeeda markii ugu horaysay muddo 15 sano ah kadib kulankii xalay ee ay Levante garaacday Barcelona.

Markii ugu dambaysay ee Barcelona laga dhaliyo 5 gool ayaa ahayd sanadkii 2003 horyaala La Liga iyada oo guuldaro 5/1 ah kala kulantay kooxda Malaga.

Taas ayaa la macno ah in ay Barcelona boorka ka jafatay rikoor aan fiicnayn oo ay ugu dambaysay muddo 15 sano ah waliba ah mid aan la iloobi karin.

Guuldaradaas ayaa ah midii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan ay kooxda Barcelona la kulantay taas oo soo af jartay rajadii ay ka qabtay in ay guuldaro la,aan dhamaysato horyaalka La Liga.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada