Ac Milan Mise Juventus? Tababare Carlo Ancelotti Oo Sheegay Kooxda Uu Taageeri Doono Finlka Coppa Italia.

Tababarihii hore ee Juventus iyo AC Milan Carlo Ancelotti ayaa la hadlayay Milan TV kahor kulanka arbacada ee Finalka Coppa Italia.

“Waxa aan ciyaarta la daawan doonaa saaxiibay oo ku nool dalka Canada, waa taageere Ac Milan dhab ah, waxa aan anigu xiran doonaa maaliyada Ac Milan si aan u daawado ciyaarta taas ayaanan samayn doonaa si aan u taageero kooxda”.

“Waxaan rajeynayaa inaan u dabaaldego habeenka Arbacada Ac Milan waxa ay u baahantahay in ay geesinimo muujiso, taageerayaashu waa in ay raacaan kooxda oo ay ixtiraamaan ciyaartooyada, ma ahan kulan fudud laakiin waxa ay ku badin karaan arimo yar”.

“Juventus waa koox adag in la wajaho,aad ayay uga xoogan yihiin daafaca uma malaynayo in ay weerari doonaan, waayo Juventus daafaca ayay si fiican uga shaqaysaa laakiin waxa ay leeyihiin dhibaatooyin yar-yar”

Tababarahan oo horay u soo maamulay labada kooxoodba ayaa haatan bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Bayern Munich bilowgii xilli ciyaareedkan.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada