Kooxda Arsenal Oo Haysata Hub Qarsoodi Ah Oo Ay Man United,City Iyo Liverpool Ugu Garaacayso Saxiixa Jean-Michael Seri

Kooxda Liverpool ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee sida aadka ah loo doonayo ee u ciyaara kooxda Nice ee Jean-Michael Seri iyada oo baacsigiisa kaga horaysay kooxaha Man City,United iyo Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Ivory Cost ayaa lagu heli karaa 35 milyan oo euro xagaaga iyada oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiisja 26 jirkan.

Kooxda Arsenal ayaana ugu cad-cad saxiixa xiddiga iyada oo ay sabab u tahay xiriir fiican uu uu madaxa cusub ee suuqa Arsenal ee Raul Sanllehi la leeyahay xiriir fiican wakiilka xiddiga sida laga soo xigtay L’Equipe.

Sanllehi ayaa aad ugu dhawaaday in uu Seri keeno kooxda Barcelona xagaagii hore markii uu ka mid ahaa madaxda kooxda Barcelona.

Sanllehi ayaa ka tagay kooxda Barcelona bishii November 14 sano oo uu halkaas joogay isaga oo ku soo biiray kooxda Arsenal.

City ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga kadib markii ay la kulmeen wakiilada xiddiga.

Laakiin haatan kooxda Arsenal ayaa haysta Sanllehi oo ah hubka qarsoodiga ah ee ay adeega xiddiga ugu garaaci karto kooxaha kale.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada