Zlatan Ibrahimovic Oo Go,aan Kama Dambays Ah Ka Gaaray Ciyaaristiisa Koobka Adduunka Russia

Weeraryahanka kooxda LA Galaxay iyo xulka qaranka Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa u muuqda in uu go,aan kama dambays ah ka gaaray ciyaaristiisa koobka adduunka Russia 2018.

Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay inuu u ciyaari doono Sweden Koobka Adduunka.

Weeraryahanka LA Galaxy, oo 36 sanno jir ah, ayaa horay ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah laakiin waxa uu haatan u muuqdaa in uu dib uga labanayo go,aankaas oo u xulkiisa u raacayo Russia.

Waxa uu Twitter-kiisa ku soo qoray” Fursada aan ugu ciyaari karo koobka adduunka ayaa ah mid aad u saraysa”

Ibrahimovic ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan xulka qarankiisa isaga oo 62 gool u dhaliyay 116 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexaysay 2001 ilaa 2016.

Waxa uu xulkiisa kabtan u ahaa 2010 ilaa intii uu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisanayay waxana abaalmarinta goolka ugu quruxda badan ku guulaystay goolkii maqaska ahaa ee uu ka dhaliyay England.

Xiddigii hore ee Man United ayaa markii ugu dambaysay xulka qarankiisa matalay tartankii Euro 2016 waxana uu ciyaaray dhamaan kulamadii Group-yada.

Ibra ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariistay  21 bishii June ee sanadkii 2016 laakiin taageerayaasha ayaa hadal haya soo laabashadiisa tan ilaa markii xulka qarankiisu u soo baxay koobka aduunka.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada