Zinedine Zidane Oo Gaaray Guushiisii 100-aad Ee Real Madrid & Sida Uu Ula Dhigmo Tababarayaashii Soo Maray Kooxda

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real Madrid kadib guushii ay kooxdiisa Real Madrid ka gaartay kooxda Malaga.

Kulan Axadii ka dhacay Garoonka La Rosalede Zinedine Zidane ayaa gaaray guushiisii 100-aad tan ilaa markii uu la wareegay hogaanka Real Madrid.

Waa rikoor kala mid dhigay tababarayaasha ugu fiican taariikhda isaga oo sidoo kale cel-celis ahaan guul gaaray 72% tartamada oo dhan.

Guulaha Ugu badan ee Zisou ayaa yimid horyaalka La Liga isaga oo guul gaaray 66 kulan oo ka mid ah 99 kulan halka uu bar-baro galay 15 kulan guuldarana la kulmay 9 kulan oo kaliya.

Waxa uu guul gaaray 20 kulan oo ka mid ah 30 kulan halka uu bar-baro galay 6 sidoo kale laga badiyay 4 tartanka champions League waxa sii dheer 4 bar-baro iyo 2 guuldaro oo copa del Rey-ga ah.

Waxa uu ciyaaray 4 kulan tartanka club World cup-ka waxana uu badiyay 4-tiiba isaga oo laba koob ku guulaystay halka uu European supcup-ka ciyaaray 2 labadiibana  kuna guulaystay hlak uu sidoo kale ku guulaystay hal spanish super cup.

Zidane ayaa ka dambeeya tababaraha halyeeyga ah ee reer Portugal ee Miguel Munoz kaas oo wakhtiga ugu dheer u adeegay kooxda Real Madrid isaga oo guushiisu gaaray 59.1% cel-celis ahaan isaga gaaray 356 guulood 602 kulan.

Vicente del Bosque Ayaa sidoo kale ku dhaw isaga oo cel-celis ahaan gaaray 54.5%.

Leo Beenhakker ayaa dhanka kale gaaray guul cel-celis ahaan dhan 61.9% waaxa jira halyeey kale Luis Molowny kaas oo leh 56% guulo 193 kulan oo uu kooxda hogaamiyay.

Rikoorka Zidane ayaa ku yimid garoonka Malaga oo ah midkii uu wax sanad ka yar ugu guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada