Xulka Spain Oo Kulan Saaxiibtinimo Balansaday Xulka Wales & Wakhtiga La Ciyaarayo Oo La Ogaaday

Xulka qaranka Spain ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaari doona xulka Wales kulan ka dhici doona caasimada dalka Wales ee Cardiff kulankaas oo ay labada xul isugu diyaarin doonaan ka qayb galkooda UEFA Nations League.

Labada xul ayaa wada ciyaari doona 11 bisha October iyada oo aan wali la shaacin saacada ay labada xul wada ciyaari doonaan kulankaas.

Fasaxa xulalka ee wakhtigaas ayuu xulka qaranka Spain kulankiisa ugu horeeya ee UEFA Nations League la ciyaari doontaa England 4 maalmood kadib.

Xulka Spain ayaan Wales la ciyaarin tan ilaa 1985 iyaga oo 5 kulan oo kaliya ciyaaray kulamadaasna ka mid ahaayeen is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka Spain ayaa laba kulan badisay laba kulan badisay halka Wales badisay laba kulan bar-barana ku kala bexeen laba kulan oo kale.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada