Xiddig Horay Ugu Fashilmay Arsenal Oo Ah Xiddiga Ugu Goolasha Badan Yurub Oo Dhan Sanadka 2018

Xiddig ku fashilmay kooxda Arsenal ayaa haatan ah xiddiga ugu goolasha badan yurub oo dhan kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan kadib markii uu ka tagay kooxda Arsenal.

muddo Afar sano ah waxa uu joogay kooxda Arsenal isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 12 milyan oo euro waxana uu kooxda Arsenal u saftay 29 kulan oo kaliya.

Laakiin daafacii hore ee kooxda Arsenal ee Mathieu Debuchy ayaa haatan ah daafaca ugu goolasha badan horyaalada yurub ugu waaweyn oo dhan.

Xiddiga ayaa ka tagay Arsenal suuqii January 6 bilood ka hor inta uuna heshiiskiisa Emirates dhici waxana uu si xor ah ugu biiray kooxda Saint Etienne.

Laakiin 32 jirka ayaa muujiyay in uu wali hayo wax uu soo bandhigo isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku laabtay horyaalka France.

Sabtidii Debuchy ayaa kooxdiisa u ciyaaray kulan ay la ciyaartay kooxda Strasbourg waxana uu dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisu ku badisay.

Goolkaas ayaa ahaa goolkii 4-aad ee uu kooxdiisa u dhaliyay tan ilaa markii uu ku biiray kooxda waana daafaca ugu goolasha badan horyaalka ugu waaweyn sanadka 2018.

Waxa sidoo kale jirta in aanay kooxda Saint Etienne wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa markii uu Debuchy saftay kulankiisii ugu horeeyay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada