West Brom Oo Afka Dhulka U Galisay Kooxda Man United Old Trafford Ayay Ku Garaacday

Kooxda West Brom ayaa Old Trafford kaga yaabsatay kooxda Man United kadib guul lama filaan ah oo ay ka gaartay kooxda Man United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa gabi ahaanba ahaa mid caajis ahaa oo ayna labada kooxoodba soo badhigin qaab ciyaareed la daawan karo iyada oo West Brom daafac ku jirtay Man United-na soo bandhigtay qaab ciyaareed caajis ah.

Labada Kooxood ayaanu midkoodna abuurin fursad goolal laga dhalin karo inkasta oo ay kooxda Man United ahayd kooxda dhanka kubada haystay inta badan.

Manchester United v West Brom, LIVE score: Premier League updates

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah oo ayna labada kooxood midkoona soo bandhigin ciyaar weerar ah oo la daawan karo.

Si La Mid ah qaybtii dambe ayay labada kooxoodba ku bilowdeen si caajis ah in kasta oo United markan ahayd koox ka khatarsan sidii hore fursado dhawr ahna abuurtay.

United ayaa doonaysa in ay guusha u gaarto si ay kaalinta 2-aad la fogaato halka ay sidoo kale u diidaysa in ay City ku guulaysato horyaalka maadama hadii laga badiyo ay city ku guulaysanaysay horyaalka.

West Brmo ayaa dhankeeda u dagaalamaysay sidii ay rajo ugu yeelan lahayd in ay ku sii negaado horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Daqiiqadii 73-aad ayay kooxda West Brom heshay wixii ay raadinaysay oo ahaa goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Jay Rodriguez.

Man United ayaa hurdada ka kacday waxana ay bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo awoodooda oo dhan isugu geeyay weerarka iyo goolka West Brom hortooda.

Waxa ugu dambayn sidaas ugu dhamaatay guul lama filaan ah oo ay kooxda West Brom ka gaartay kooxda Man United.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “West Brom Oo Afka Dhulka U Galisay Kooxda Man United Old Trafford Ayay Ku Garaacday

Halkaan Ku Qor Fikirkaada