Weeraryahanka Liverpool Ee Roberto Firmino Oo Ka Difaacasho Fiican Dhamaan Daafacyada Arsenal & Xog Muujinaysa

Waxa iska caadi ah in uu weeraryahanku dhaliyo goolal ka badan daafacyada sidoo kale daafacu kaga fiicnaado weeraryahanka kubad dilista laakiin mararka qaar waxa dhacda mid sidaas ka soo hor jeeda.

Badanaa kubada cagta ayaa lagu arkaa xog cajiib ah tusaale ahaan tababare Pep Guardiola ayaa daafacyadiis ka dhiga qaar ka baas badan xiddigaha khadka dhexe si la mid ah Goolhayihiisa.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa dhanka daafaca xilli ciyaareedkan iyaga oo laga dhaliyay 45 gool ilaa haatan waxana ay taasi keentay in ay daafacyadoodu la kulmaan dhaleecayn aad u weyn.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo ay sabab u tahay natiijooyinkooda xun waxana ay Axadii guuldaro kala kulmeen kooxda Newcastle United.

Hadaba Xog la helay ayaa muujinaysa in Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ka fiican yahay daafacyada Arsenal marka ay noqoto dhanka difaacashada inkasta oo uu weeraryahan yahay.

Shabakada ku takhasustya xogaha kala duwan ee kubada cagta ee Squawka ayaa muujisay in uu Roberto Firmino ka difaacasho fiican yahay daafaca Arsenal ee Shkodran Mustafi.

Weeraryahanka Reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkan dilay 62 kubadood horyaalka premier League halka daafaca Arsenal ee Shkodran Mustafi oo ah daafaca ugu kubad dilista Badan Daafacyada Arsenal uu dilay kaliya 61 kubadood.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada