WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Ay Man United U Dhaqaaqi Karto Xagaaga Si City Horyaalka Ugula Tartanto Xilli Ciyaareedka Dambe

Xilli ciyaareedka Kooxda Man United ayaa laba siyaabood u muuqan doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mida Ugu Horaysay? Mid fiican. hadii ay Reds ku dhamaysato kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka kadibna ku guulaysato FA Cup-ka kadib waxa jiri doona xoojin fiican oo xagaaga ah.

Mida 2-aad? Mid xun. In ay suuqa galisay lacagii la ogaa kadibna si weyn uga dambayso kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Man city xilli ay champions league kaga hareen wareega 16-kaas taas oo ah niyad jab.

Labada wadaba waxa ka soo baxaya jawaab ah in ay tahay in ay man United shaqo intaas ka fiican qabato.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay United ayaa suuqa galisay lacag ku dhaw 150 milyan oo euro waxana xagaagan la filayaa in ay sidaas si la mid ah samayso.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo uu Jose Mourinho ugu dhaqaaqi doono in uu kooxdiisa ku xoojiyo si ay City ugula tartanto horyaalka xilli ciyaareedka dambe:

Danny Rose: booska daafaca bidix ayaa ah mid dhibaato ku ah kooxda Man United inkasta oo ay taageerayaasha United jecel yihiin in ay arkaan Luke Shaw oo si joogto ah u ciyaara laakiin midaas ayaan dhamayn inta uu jose Mourinho joogo sidaa darteed United ayaa u dhaqaaqi doonta daafac bidix.

Gareth Bale: Gareth Bale ayaa ah xiddig si joogto ah loola xiriiriyo United laakiin waa sabab fiican inkasta oo uu xiddiga reer Wales ku dhibaatoonayo taam ahaanshihiisa, 28 jirkan ayaa Jose Mourinho u keeni doona orod iyo xiddig garabka ka caaiya Kubadana u soo karoosa Romelu Lukaku.

Toby Alderweireld: Inkasta oo ay kooxda Man United tahay kooxda 2-aad ee ugu difaaca fiican horyaalka premier League hadana wali waxa jira dal-daloolo ay leeyihiin xiddigaha Phil Jones & Chris Smalling, Jose Mourinho ayaana 29 jirka reer Belguim u doonaya in uu ku xoojiso daafaciisa.

Toni Kroos: Toni Kroos ayaa si weyn loola xiriirin jiray Man United ka hor intii uuna ku biirin kooxda Real Madrid xiddiga reer Germany ayaa tan ilaa markii uu ku biiray Los Blancos kula guulaystay 2 champions League iyo La Liga, marka loo eego da,diisa iyo khibradiisa Jose Mourinho ayaa isku dayi doona in uu kooxdiisa keeno xagaaga.

Thiago Alcantara: Sida Kroos Thiago ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro United laakiin sida xiddiga Real Madrid xiddiga reer Spain ayaa doortay in uu ku biiro koox kale, Xiddiga khadka dhexe ayaa ah xiddig tayo fiican waana xiddig aan dhaawc badanyn.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada