WARBIXIN: Shan Farqi Oo U Dhexeeya Xiddigaha Coutinho Iyo Dembele

Booxinta booskii uu Baneeyay Neymar ayaa mar walba ah mid adag maamulka Barcelona ayaana isku raacay in ay lacag galiyaan xiddigaha Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele si kasta ha ahaatee xilli uu xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee Barcelona ku dhaw yaay dhamaad waxa jira 5 farqi oo u dhexeeya labada xiddig.

Labada xiddig ayay ku dhacday arimo kala duwan tan ilaa markii ay yimaadeen Barcelona; Ousmane Dembele ayaa nasiib xun u yeeshay in uu soo gaaro dhaawac adag halka xiddiga reer Brazil ay ku adkaatay in uu si joogto ah ugu ciyaaro maadama uuna tababare Valverde nasiino siin xiddigaha muhiimka ah.

Mid ka mid ah labada xiddig ayaa si weyn looga shaki qaby in uu iman doono kooxda halka midka kale uu ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-ka farqi ee u dhexeeya labada xiddig tan ilaa markii ay kooxda ku soo biireen:

Qiimaha 2-da xiddig: Barcelona ayaa Ousmane Dembele ka bixisay lacag dhan 115 milyan oo euro oo ugu dambayn ku kacaysa lacag dhan 150 milyan oo euro mana ahan qiimo uu u qalmo xiddigu xilli ay Barcelona raadinaysay in ay si deg-deg ah u hesho badalka Neymar kuna fashilantay in ay hesho Coutinho xagaagii sidaa darteed waxa ay ku qasbanaatay in ay bixiso lacagta si ay Dortmund u ogolaato in uu xiddigu ku biiro Barcelona,Dhanka kale Barcelona ayaa 120 Milyan ka soo bixisay Philiippe Coutinho taas oo ku kacaysa 145 milyan oo euro laakiin farqiga u dhexeeya ayaa ah in uu Coutinho u qalmo in laga bixiyo lacagtaas maadama uu ilaa haatan qaab fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan iyo waliba marka loo eego qiimaha haatan suuqa looga iibsanayo xiddigaha la tayada ah.

La Qabsashada Kooxda: ilaa haatan Ousmane Dembele ayaa ku fashilamay in uu la qabsado qaab ciyaareedka kooxda Barcelona ee ah baaska iyo in ay xiddiguhu ka ciyaaraan boosas aad isugu dhaw taas ayaana keentay in uuna xididgu si fiican ula qabsan kooxda Barcelona, halka xiddiga Philippe Coutinho uu si fiican ula qabsaday waliba iska muujiyay kulamo badan.

Dhaawaca: Eeda lama saari karo Ousmane Dembele maadama uuna nasiibku caawin kadib markii ay soo gaareen laba dhaawac oo u diiday in uu ciyaaro intii badnayd ee xilli ciyaareedka halka Coutinho uu ku jiro xaal jir ahaaneed iyo caafimaad ahaaneed tan ilaa markii uu soo gaaray Camp Nou.

Qaab ciyaareedka: Tan ilaa markii uu Coutinho soo gaaray Barcelona muddo laga joogo 4 bilood xiddiga ayaa ciyaaray 13 kulan isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale taas oo la macno ah in uu ku lug lahaa 8 gool halka uu Ousmane Dembele caawiye ka noqday 5 gool oo uuna wax gool ah dhalin horyaalka hal gool oo kaliyana dhaliyay champions League.

Mustaqbalka: Waxa meesha ka baxsan in ay Ousmane Dembele iyo Coutinho ka tagi doonaan xagaaga kadib qiimaha lacageed ee laga soo biyay laakiin xiddiga reer Brazil ayay iska cadahay in uu Barcelona la sii joogi doono sanado badan laakiin waxa uu shaki weyn ku bilaabmay Ousmane Dembele haatanba.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada