Waali, Daawo: Caawiyaha Garsoore Rikoore Dhigay Xilli Ay Xiddiguhu Galeen Qolka Labiska Qaybtii Nasashada, Maxa Dhacay Intaas Kadib

Xilli ay qaybtii hore ee ciyaartu dhamaatay xiddiguhuna galeen qolka Labiska Muuqaalka garsooraha caawiya ee VAR ayaa rikoore ku abaal mariyay koox kulan ka tirsanaa horyaalka Germany.

Kulanka ayaa u dhexeeyay kooxaha Mainz iyo Freiburg kulan ka tirsanaa horyaalka Bundesliga kaas oo la ciyaaray xalay oo Isniin ahayd.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah maadama ay labada kooxoodba u dagaalamayeen sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha kooxda Freiburg ayaa ka dareeray garoonka si la mid ah kuwa Mainz laakiin garsooraha oo aan wali bixin ayaa loo sheegay in gacanta lagu qabtay kubada isaga  caawin ka helaya VAR

Garsooraha ayaan dib ugu yeedhay xiddigaha labada kooxood oo qolka labiska galay isaga oo sidaas ku dhigay rikoorada kooxda Mainz Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada