Tababaraha Kooxda Man City Ee Pep Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday Wakhtigii Uu Ogoaaday In Ay Man City Ku Guulaysan Doonto Horyaalka, Chelsea Ayaa Ka Caawisay

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday wakhtigii uu ogaaday in ay kooxda Man city xilli ciyaareedkan ku guulaysan doonto horyaalka premier League.

Tababaraha Man city ayaa u dabaal degay horyaalka premier League sanadkii 2-aad ee uu hogaaminayay Man city laakiin Guardiola ayaa qirtay in uu bilaabay in uu aamino in ay kooxdiisu ku guulaysan doonto horyaalka 6 bilood ka hor.

Guardiola ayaa aaminsan in guushii 1/0 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaartay Chelsea bishii September in ay xiddigaha kooxdiisa u muujisay in ay ku guulaysan doonaan horyaalka xilli ciyaareedkan.

“Waxan u malaynayaa in ku guulaysigii Stamford Bridge nasiisay kalsooni”ayuu Guardiola yiri

“Sababta oo ah xilli ciyaareedkii hore kumaanu fiicnayn garaacista kooxaha nagula tartamaya horyaalka, waxa aanu badinay kulamo yar laakiin guushii aanu ka gaarnay Stampford Bridge ayaa nasiisay dareen, “Haye, waxa aanu ka badinay kooxda difaacanaysa horyaalka”.

“Laakiin guud ahaan waxa aanu ahayn qaar aad u dagan xilli ciyaareedkan waxana nalaga dhaliyay goolal yar taas ayaana muhiim ah”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada