Tababaraha Kooxda Liverpool Ee Jurgen Klopp Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Bournemouth, Mana Ahan Mohamed salah,Sadio Mane iyo Roberto Firmino

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doortay xiddigiisii ugu fiicnaa kulankii ay Liverpool guusha fudud ka gaartay kooxda Bournemouth kana tirsnaa horyaalka premier League todobaadkiisii 34-aad.

Jurgen Klopp ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Alex Oxlade-Chamberlain isaga oo u doortay xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay 3/0 kaga badiyeen kooxda Bournemouth.

Sadio Mane,Mohamd salah iyo Roberto Firmino ayaa dhaliyay saddexda gool ee ay Liverpool ugu awood sheegtay kooxdii martida ugu ahayd Anfield.

Da,yarka Trent Alexander Arnlod ayaa ku guulastay xiddigii ugu fiicnaa kulankii xalaya isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay caawiyena ka noqday goolkii cajiibka ahaa ee mohamed salah.

Laakiin Klopp ayaa diirada saaray qaab ciyaareedkii Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo khadka dhexe kaligii maamulayay wax walbana u sameeyay ciyaarta.

“Todobaad fiican ayay u ahayn Trent Alexander-Arnold”ayuu Klopp u sheegay BT Sport.

“Laakiin ma hubo in uu isagu ahaa xiddiga garoonka”.

“Run ahaantii waxa aan jeclaaday qaab ciyaareedkii Alex Oxlade-Chamberlain”.

“Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed xiddig khad dhexe oo fiican isaga oo isticmaalayay awoodihiisa wakhtiga saxda ah”.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Tababaraha Kooxda Liverpool Ee Jurgen Klopp Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Bournemouth, Mana Ahan Mohamed salah,Sadio Mane iyo Roberto Firmino

  1. chamberlian waa dhexda kaliya liverpool hada ka cawiyay inay ugudubta sami finalka chamipons leage waana kubad burburiye
    hiru socod kooxdaydi
    HALA LIVERPOOL
    HALA LIVERPOOL
    HALA LIVERPOOL
    HALA LIVERPOOL

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada