Tababaraha Bayern Munich Ee Jupp Heynckes Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Madrid

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Jupp Heynckes ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Madrid lugta 2-aad ee semi-finalka champions League ka dhici doona Bernabéu.

David Alaba ayaa ku soo laabtay kooxda Bayern Munich ka hor kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ay la leeyihiin Real Madrid, laakiin Arjen Robben ayaa seegaya kulanka Bernabeu

Alaba ayaa ku bilaaban doona kulanka dib markii uu seegay lugtii hore halka Javi Martínez uu taam u yahay inkastoo dhaawac yar uu soo gaaray kulankii guuldarada 2-1 ee Real Madrid.

Robben iyo Jerome Boateng ayaa labadoodaba dhaawac ku maqan, ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen kulankii Los Blancos ee Munich, iyagoo ku biiray Manuel Neuer, Arturo Vidal iyo Kingsley Coman kuwaas oo dhaawac uga maqan kooxda heysata horyaalka Germany.

Tababaraha Bayern Jupp Heynckes ayaa lagu soo waramayaa inuu Axadii shaaciyay inay halis weyn u tahay inuu si degdeg ah Robben ugu soo celiyo garoomada kadib dhaawac soo gaaray.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha U Soo safri doona Spain:

Ulreich, Starke, Früchtl, Wagner, Süle, Hummels, Thiago, Ribéry, Javi Martínez, Lewandowski, James, Rafinha, Bernat, Mai, Shabani, Rudy, Tolisso, Müller, Alaba, Dorsch and Kimmich.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada