Taageeraha Caanka Ah Ee Arsenal Ee Piers Morgan Oo Heer Kale U Qaaday Mudaharaadka Uu Kaga Soo Hor Jeedo Tababare Arsene Wenger, Muxuu Sameeyay Markan

Taageeraha Caanka ah ee Arsenal ee Piers Morgan ayaa wali doonaya in uu Arsene Wenger ka tago shaqada kooxda Arsenal.

Piers Morgan ayaan ka xishoon in uu fikirkiisa ku soo gudbiyo qaab waliba oo suurtagal ah waliba si maalin kasta ah isaga oo doonaya in uu Wenger ka tago Arsenal.

Xitaa kuwa aan baraha bulshada saaxiibka kula ahayn ayaa si joogto ah ula socda ololaha joogtada ah ee uu kaga soo hor jeedo Arsene Wenger.

Laakiin waxa uu haatan ololaha uu kaga soo hore jeedo tababare Wenger u qaaday heer kale isaga oo adduunka oo dhan markan maqashiiyay.

Morgan ayaa isku diyaarinayay in uu qabto barnaamijkiisii ugu horeeyay saaca ee “Subax Wanaagsan Britian” waxana uu go,aansaday in uu dareenkiisa ku aadan Wenger tuso adduun weynaha.

Intii uu ku dhex jiray barnaamijka ayuu shaqaalihii barnaamijka ka duubayay ka codsaday in ay Tv-ga ka muujiyaan “Wenger Out” oo la macno ah Wenger bax.

Talaaban ayaa imanaysa kadib markii ay Gunners la kulantay guuldaradii 6-aad oo xiriir ah kulamada ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda.

Arsenal ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Newcastle inkasta oo ay Arsenal ku hor martay goolka daqiiqadii 14-aad ee qaybtii hore.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada