SAWIRO | Naadiga Real Madrid Oo Malaga Dhibaatadeeda Dhib Ugu Dartay , 2/1 Ayay Uga Soo Talaabsadeen

Kulankan oo ahaa mid ka tirsanaa Todobaadkii 32-aad ee Horyaalka Spain ayaa Kooxda Malaga waxa ay ku marti soortay Gegideeda Caanka ah ee Estadio La Rosaleda Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid.

 

Ciyaarta oo aheyd mid Xamaasad laheyd ayaa Macalinka reer Faransa ee Leyliya Kooxda Real Zinidine Zidane waxa  uu lasoo shir tagay Shax ubadan Ciyaartoyda Keyda misna nasiyey inta badan Xidigiisa, Sida Ronaldo, Kroos, Bale & Kuwo kale.

 

Bilowgii Ciyarata Kooxda Los balancoska oo laheyd Gacanta sare ee Ciyaarta ayaa heshay Fursado dhowr, daqiiqadii 21- aad Weeraryahanka Da’da yar ee Lukas vascez ayaa qasaariyey Kubad uu la kaliyoobay isaga & Goolhayaha Kooxda malaga balse Kor ayuu marsiiyey.

 

Daqiiqadii 24-aad Weeraryahanka reer Faransa Karim Benzema ayaa helay  Fursad qurux badneyd balse muusan ka Faa’iideysan.

 

Waxa ay Ciyaarta Socotaba daqiiqadii 29 -aad  Kooxda Cad Cadka Los Balancoska ayaa Heshay Kubad Laad Xor ah (Free Kick) Waxaana Gool ubadalay Xidigooda Qadka dhexe ee Isco Sidaas ayeyna Hogaanka Ciyaarta kula wareegtay Naadiga cad cadka.

 

Weeraro dhowr oo ay sameysay Naadiga Real Madrid ayaanan ku guuleysan iney Gool ubadalaan Sidaas ayaana lagu kala nastay Qeybtii hore ee Ciyaarta.

 

Balse Markii leyku laabtay Qeybtii dambe ee Ciyaartii ka dhacday Garoonka Estadio La Rosaleda ee Malaga ku marti Soortay Wiilasha ZIZO ayaa Waxaa ay heleen Goolkooda labaad kadib Markii daqiiqadii 63 aad uu kubad Casemiro uusoo dafay Udhiibay Karim Benzema, Karimna uuku siijiray diilinta Ganaaxa ayaa Baas qurux badan waxa uu siiyey Isco isagoo isco-na uu Afka Goosha soo dhigay, Casemiro ayaana dhameystiray kubadaasi, sidaana uga dhigay Ciyaarta 2-0.

 

Wixii intaasi kadabeeyey Nadiga Real ayaa ciyaarta ka yeelatay sida ay doonto iyadoo Dhamaan maamulka garoonka lawareegtay.

Wiilshada Zizo ayaa garoonka  Estadio  kubandhigay Ciyaar qurux badneyd oo ay ka maqsuudeen taageerayaasha Naadiga Real Waxaana Xidigii Garoonka ahaa Wiilsha reer Spanish ee Isco, kaasoo Laad Xor ahna dhaliyey midka kalena caawiyey.

 

Waxa ay socotaba Ciyaarta gabagabdeeda daqiiqadii 90+3 aad ayaa waxa Malaga ay Heyshay Goolka wax mataraha ah waxaana ciyaarta kusoo afmeerantay 2-1

 

Isco ayaa diiday inuu ku dabaal dago kadib markii Gool ka dhaliyey Malaga waxaana taasi uu usameeyey in Kooxdaasi ay tahay Kooxdii uu ku soo bar baaray isagoona salaamay waxaana taas bedelkeeda Taageerayaasha Malaga ay wada istaageen Isco misna usacab tumay kadib markii labadalay, Guusha Los Balacoska ayaa imaaneysay Xili Wiisha Valverde ee Blugrana ay qarka usaaran yihiin iney Horyaalka ay ku guuleystaan.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada