Rasmi: Tababaraha Kooxda Real Madrid Ee Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hortagayo Malaga & Xiddigo Muhiim Ah Oo Ka Maqan

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha oo kaga hor tagi doono kooxda Malaga kulan ka tirsan horyaalka La Liga liiskaas oo ay ka maqan yihiin xiddigo badan oo muhiim ah.

Zidane ayaa doonaya in ay kooxdiisu guul ka gaarto si ay ugu soo laabato kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka oo ay haatan ku jirto kooxda Valencia.

Liiska ayaa laga dhex waayay xiddigaha ay ugu horeeyaa Cristiano Ronaldo, Gareth Bale,Raphaël Varane,Luka Modric iyo daafaca Natcho.

Waxa Liiska dib ugu soo laabtay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Los Blancos ee Sergio Ramos kaas oo ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa ee champions League.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha uu Zidane u soo xushay Kulanka:

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada