Rasmi: Tababaraha Kooxda PSG Ee Unai Emery Oo Ku Dhawaaqay In Uu Kooxda Ka Tagi Doono Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo PSG xagaagaan.

Emery ayaa yimid kooxda PSG sannadkii 2016, waxana uu kooxda ka dhisan caasimada France ku qaatay laba xilli ciyaareed.

Kooxda Monaco ayaa ka qaaday horyaalka Ligue xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu PSG si dhib yar ugu hogaamiyay hanashada horyaalka.

Tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel ayaa la filayaa inuu qabto shaqada kooxda Parc des Princes.

Ku Fashilankii uu ku fashilmay in uu kooxda dhaafiyo wareega 16-ka champions League ayaa khatar galisay booska tababare Emery.

Emery ayaa wakhti dheer lala xiriirin jiray shaqada kooxda Arsenal laakiin waxa haatan la aaminsan yahay in uuna ka mid ahyn tababarayaasha u sharaxan.

Waxa uu yiri”Waxa aan u sheegay dhamaan xiddigaha Agaasimaha Kooxda ee Antero Henrique, Madaxweynaha kooxda ee Nasser Al-Khelaifi in ay soo dhamaatay shaqadaydii, waxa aan u mahad celinayaa cid walba, waxa haatan hadhay ayaa kaliya ah Finalka Coupe de France”.

“Waxa muhiim ah in aanu dhiiri gashanaano kulan kasta, waan ku faraxsanahay mooraalka xiddigahaya ee dhamaadka xilli ciyaareedkan”

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada