Rasmi: Tababaraha Barcelona Ee Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Celta Vigo & Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Maqan

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska 18-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisa 33-aad.

Kooxda Barcelona ayaa booqan doonta kulan loo soo horaysiiyay maadama ay sabtida ciyaari doonto Finalka Copa Del Rey-ga oo ay la ciyaari doonto Sevilla.

Blaugrana ayaa u baahan 7 dhibcood si ay ugu guulaysto horyaalka La Liga iyaga oo kulamo muhiim ah ciyaari doona todobaadyada soo socda.

Kooxda Barcelona ayaa waayi doonta adeega xiddigaha muhiimka ah ee kala ah Piqué, Busquest & Iniesta kuwaas oo dhamaantood dhaawacan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 18-ka xiddig:

Ter Stegen, Cillessen, N. Semedo, Denis Suárez, Suárez, Messi, O. Dembélé, Coutinho, Paulinho, Paco Alcácer, Jordi Alba, Digne, S. Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Umtiti, Yerry Mina and Vermaelen.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada