RASMI: Kooxda PSG Oo Ku Guulaysatay Horyaalka France Kadib Guul Weyn Oo Ay Ka Gaartay Monaco

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka Ligue 1 kadib markii ay guul weyn ka gaartay kooxda Monaco kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad.

PSG ayaa 7/1 ku badisay si Rasmi ahna ugu guulaysatay horyaalka france iyaga oo sidoo kale ku guulaystay koobkii 2-aad ee xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen Giovani Lo Celso (2),Angel Di Maria (2),Edinson Cavani,Javier Pastore,Julian Draxler Iyo Radamel Falcao oo si khaldan isaga dhaliyay gool ayaa PSG ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalka.

Saaxiibada Neymar ayaa ku guulaystay koobkii 2-aad ee xilli ciyaareedkan markii ay koobka Franch cup ka qaadeen kooxda Monaco wakhti dhexe oo xilli ciyaareedka ah.

Kooxda PSG ayaa ku qaaday 87 dhibcood iyada oo kooxda Monaco leedahay 70 dhibcood xilli ay dhamaadka horyaalka ka dhiman yihiin 3 kulan.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada