Rasmi: Kooxda Man City Oo Si Rasmi Ah Uu Guulaystay Horyaalka Premier League & West Brom Oo Ay Caawimo Ka Heshay

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay horyaalka premier League.

Koobka 3-aad ee horyaalka Premier League ayaa la xaqiijiyay maanta oo axad ah kadib markii ay kooxda ay West Brom guuldaro baday kooxda ay jaarka yihiin ee Man United.

Jay Rodiquez ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxda West Brom ku badisay qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo ka caawisay in ay 3 dhibcood ee ciyaarta kala baxaan Old Trafford.

City ayaa 16 dhibcood oo cadaan ah ku haysa horyaalka iyada oo ay hadhasan yihiin 5 kulan iyo 15 dhibcood oo ka harsan dhamaadka horyaalka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa fursad u haysatay in ay horyaalka ku guulaysato todobaadkii hore laakiin Red Devils ayaa soo laabasho cajiib ah samaysay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee guuldaradii goordhawayd ka soo gaartay kooxda West Brom ayaa si Rasmi ah City uga caawisay in ay ku guulaysato horyaalka premier Leageu.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada