Rasmi: Kooxda Borussia Dortmund Oo Xaqiijisay In Weeraryahanka Michy Batshuayi Seegi Doono Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka, Waa Sidee Rajadiisa Koobka Adduunka?

Weeraryahanka Kooxda Borussia Dortmund amaahdana uga maqan kooxda chelsea ee Michy Batshuayi ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka reer Belguim ayuu dhaawac xun oo jab u muuqday ka soo gaaray kuraanta kulankii ay Dortmund guuldarada kala kulantay kooxda Schalke.

Xiddiga ayaa laga dhex qaaday garoonka waxana la arkay isaga oo biro ku boodaya kadib markii uu garoonka ka tagayay ciyaarta kadib.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu soo dhamaaday xilli ciyaareedkii xiddigu kadib dhaawacii adkaa ee soo gaaray.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa laga yaabaa in uu xulka qarankiisa kala qayb qaadan karo koobka adduunka Russia kaas oo bilaabmi doona dhawaan.

Michy Batshuayi ayaa si cajiib ah ku bilowday noloshiisa kooxda Dortmund isaga oo u dhaliyay goolal badan tan ilaa markii uu amaahda ugu biiray suuqii January.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada