Rasmi: Daafaca Kooxda Bayern Munich Ee Jerome Boateng Oo Seegi Doona Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka, Waa Sidee Rajadiisa Koobka Adduunka

Kooxda Bayern Munich ayaa laba xiddig dhaawac ku wayday qaybtii hore ee kulankii Real Madrid waxana haatan la xaqiijiyay in daafaca reer Germany ee Jerome Boateng uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer Germany ayaa lagu qasbay in uu ka boxo kulankii xalay daqiiqadii 34-aad kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kaas oo dhacay mar uu kubada daba ordayay.

Markii hore waxa ay u muuqatay mid aan khatar ahayn laakiin baaritaanka ayaa soo saaray dhibaatada dhaawaca xiddiga soo gaartay.

Booska Jerome Boateng ee xulka qaranka Germany ee koobka adduunka ayaa haatan khatar ku jirta sida laga soo xigtay wargayska SportsBild.

Dhaawaca ayaa garoomada u diidi doona xiddiga inta u dhexaysa Afar ilaa 6 todobaadk taas oo ah muddo bil iyo bar ah.

Tartanka koobka adduunka ayaa bilaabmi doona 14 bisha June xiddiga reer Germany ayaa mudadaas ka soo kabsan doona dhaawaca laakiin taam ahaanshihiisa ayaan joogi doonin meesha loo baahan yahay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada