Rafa Benitez Oo Doortay Labada Kooxod Ee Uu Doonayo In Ay Isugu Yimaadaan Finalka Champions League & Waliba Sababta Oo Uu Sharaxay

Champions League xilli ciyaareedkan ayaa ah mid khaas u ah Rafa Benitez maadama ay laba ka mid ah kooxihiisi hore kalana ah Real Madrid iyo Liverpool ay gaareen Semi-finalka tartanka champions League iyada oo waliba suurtagal ah in ay isaga hor yimaadaan finalka waana kulan uu tabbabaruhu ku tilmaamay mid noqon doona madadaalo fiican.

Inkasta oo ay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool haatan yihiin kuwa ugu cad-cad in ay ku guulaystaan tartanka hadana dhamaan kooxaha ku haray ayaa u siman ku guulaysigiisa.

“Semi-finalka dhamaan kooxaha ayaa haysta dookh”ayuu Benitez u sheegay Radio MARCA.

“Liverpool Iyo Real Madrid ayaa isaga hor iman kara Finalka waxana uu noqon doonaa kulan madadaalo leh”.

Kooxda Real Madrid oo labadii sano ee ugu dambaysay ku guulaystay tartanka champions League ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich.

Halka Kooxda Liverpool oo ay wakhti dheer ugu dambaysay in ay Semi-finalka soo gaarto ay la ciyaari doonto kooxda reer Italy ee Roma.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Rafa Benitez Oo Doortay Labada Kooxod Ee Uu Doonayo In Ay Isugu Yimaadaan Finalka Champions League & Waliba Sababta Oo Uu Sharaxay

Halkaan Ku Qor Fikirkaada