Qorshaha Barcelona Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday & Saddex Magac Oo Ka Dhex Muuqday, Griezmann Ayaa Ka Mid Ah

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba diyaarsatay qorsheheeda xoojinta kooxdeeda ee suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Catalonia.

Inkasta oo ayna ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka La Liga Barcelona ayaa ka war qabta in ay kooxdu leedahay dhawr dhibaato oo ay ka war qabaan.

Waxa ay u baahan yihiin in ay kooxda keenaan xiddigo kale oo da,yar ah oo uu ugu horeeyo xiddiga khadka dhexe ee Arthur oo 21 jir ah kaas oo dhamaadka xilli ciyaareedka kaga soo biiri doona kooxda Gremio.

Warggayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona isha ku hayso xiddigaha kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt oo 18 jir ah iyo Frenkie de Jong oo 20 jir ah si la mid ah xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa ka war qabta in uu Ousmane Dembele leeyahay tayo badan laakiin uuna ahayn gool dhaliye la isku halayn karo xilli ciyaareedk buuxda.

Dhanka kale gool dhalin la,aanta Luis Suarez ee champions League ayaa maamulka Camp Nou ku keentay wal-wal aan yarayn maadama uuna xiddigu 13 kulan wax gool ah dhalin.

Griezmann ayay diyaar ula tahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee 100-ka milyan ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

De Ligt ayaa isaguna u iman kara kooxda badalka Thomas Vermaelen xagaaga xilli heshiiska xiddiga dib loogu dhigi karo ilaa xagaaga 2020..

Barcelona oo xiriir fiican la leh kooxda reer Holland ee Ajax ayaa sidoo kale ka doonaysa xiddiga De Jogn kaas oo ah xiddig kale oo ay jecel yihiin.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada