Philippe Coutinho Oo Suuqii January Ka Tagay Premier League Oo Wali Ka Wax Qabad Fiican Paul Pogba & Xog Muujinaysa

Paul Pogba ayaan ku jirin xilli ciyaareed fiican kaas oo laga saaray daqiiqadii 58-aad kulankii ay Man United la ciyaaraysay kooxda West Brom Axadii.

Marka laga reebo qaab ciyareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay kulankii Manchester Derby todobaadkii hore jose Mourinho ayaa si joogto ah uga saarayay shaxdiisa iyada oo xitaa la sheegay in uu ku dhawaaday in uu kooxda ka tago suuqii January.

Laakiin waxa intaas ka sii xun in xogta xiddiga ee xilli ciyaareedkan ay ka xuntahay xiddigo ka tagay horyaalka marka loo bar-bar dhigo.

Pogba ayaa dhaliyay kaliya 5 gool oo ay ka mid yihiin labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankii man city xilli ciyaareedkan oo dhan premier league.

Xiddiga reer France ayaa sidoo kale dhiibay 25 baas oo muhiim ah xilli ciyaareedka oo dhan halka uu kaliya abuuray 35 fursadood oo gool laga dhalin karo.

Taas ayaa ka timid 22 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan marka laga reebo wakhti uu xiddigu dhaawacyo dartood uga maqnaa kooxda.

Inkasta oo uu ka tagay horyaalka suuqii January xilli ciyaareedka Pogba ayaan u dhawayn xilli ciyaareedka Philippe Coutinho kaas oo aan ciyaarin 4-tii kulan ee ugu horaysay horyaalka

Xiddiga ayaa ka tagay England kuna biiray Barcelona suuqii January taas oo la macno ah in uu Liverpool u saftay 14 kulan ka hor intii uuna ku biirin Camp Nou.

Hadana Coutinho ayaa wali ka wax qabad fiican Paul Pogba marka laga hadlo horyaalka premier League maadama uu xiddigu u dhaliyay Liverpool 7 gool horyaalka isaga oo laba ka badan Pogba.

Waxa uu sidoo kale bixiyay 34 baas marka loo bar-bar dhigo midka pogba oo 25 ah halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 6 gool 40 fursadoodna abuuray isaga oo wali ka badan Pogba.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada