Pep Guardiola Oo Laba Xiddig 100 Milyan Kula Soo Wareegi Doona Suuqa Xagaaga

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League laakiin waxa ay haatanba bilaabeen in ay qorsheeyaan suuqooda xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarisay lacag dhan 100 milyan ah oo ay doonayaan in ay xagaaga ku soo xero galiyaan xiddigaha Riyad Mahrez iyo Fred.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in Pep Guardiola uu doonayo in uu dhiso koox mar kale ku guulaysata horyaalka walba si xiriir ah.

Waxa la sheegayaa in uu Pep doonayo in uu xiddig kale oo garabka ah keeno kooxdiisa waxana uu ku laaban doonaa Mahrez kadib markii uu waayay saxiixiisa suuqii January.

Xiddiga Leicester city ayaa si aad ah u doonaya in uu ku biiro City waxana laga yaabaa in uu markii 3-aad warqada codsiga u gudbiyo si uu kooxdiisa ugu qasbo in laga iibiyo city.

Dhanka kale Guardiola ayaa la rumaysan yahay in uu isku diyaarinayo in uu dalab ka gudbiyo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk ee Fred.

Xiddiga reer Brazil ayaa la qaab ciyaareed ah xiddiga ay isku xulka yihiin ee Fernandinho waxana laga yaabaa in uu ku nasiyo saaxiibkiis.

Fred ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxda Man United laakiin waxa la fahamsan yahay in uu xiddigu doonayo in uu u dhaqaaqo Etihad.

Labada xiddig ayaa ah labada xiddig ee ay kooxda Man city ku soo xiri doonto suuqeeda kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxdu sida kale u xoogan tahay.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada