Neymar Oo Ugu Dambayn Ka Hadlay Xiriirkii Xumaa Ee Uu La Lahaa Edison Cavani

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa ugu dambayn ka hadlay xiriirka kala dhexeeya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Edison Cavani kaas oo ay bilowgii xilli ciyaareedkan isku qabsadeen laadka xorta ah iyo rikoorada.

Neymar ayaa qirtay in uu dhab ahaantii jiray khilaaf kala dhexeeyay xiddiga Edison cavani markii uu yimid PSG laakiin isla markaas xaqiijiyay in ay saxaafadu buun-buunisay arinta.

26 jirka reer Brazil ayaa kooxda PSG ugu soo biiray isaga oo ah xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga markii uu Barcelona kaga biiray PSG xagaagii hore.

Khilaafkii dhex maray labada xiddig ayaa keentay in ay wargaysyo badan sheegaan in uu Cavani arintaas darteed uga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Neymar oo ka soo kabsanaya dhaawacii soo gaaray ayaa yiri”Waxa arinta laga wayneeyay runta, xaqiiqdii waxa jirtay khilaaf aan la lahaa Cavani laakiin waxa aan arinta u xalinay si deg-deg ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wadata ayuu yiri” wararka ayaa arinta wax weyn ka dhigay laakiin dhibaatada waanu halinay isla maalintii 3-aadba”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in la filayo in uu Neymar ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan garoomada laakiin uu taam u noqdo koobka adduunka Russia 2018.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada