Neymar Oo Hogaaminaya Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican France Ee Xilli Ciyaareedkan

Neymar ayaa ka mid ah afar ciyaaryahan oo u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka ee horyaalka Faransiiska.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa ku jira liiska xiddigaha maanta oo jimce ah la soo saaray una tartami doona xiddiga ugu fiican horyaalka france iyada oo ay abaalmarinta kula tartami doonaan xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe iyo xiddiga kooxda Marseille ee Florian Thauvin.

Neymar ayaa dhaliyey 19 gool 20 kulan oo uu u ciyaaray, lakiin xiddiga ayaan ciyaarin tan ilaa markii uu dhaawac soo gaaray bishii February.

Cavani oo abaalmarinta ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore ayaa mar kale ah gool dhaliyaha ugu goolasha badan horyaalka France isaga oo dhaliyay 25 gool halka Mbappe uu dhaliyay 13 gool xilli ay kooxda PSG wakhti hore ku guulaystay horyaalka France.

Thauvin ayaa dhaliyay 22 gool guud ahaan xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdiisa Marseille ku jirto kaalinta 4-aad ee horyaalka France.

Xiddiga ku guulaystay abaalmarintan ayaa la shaacin doonaa 13 bisha May

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada