Newcastle United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaartay Arsenal & Wiilasha Rafael Benitez Oo Gunners Guul Kaga Gaartay Garoonkooda 13 Sano Kadib

Kooxda Newcastle United ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Arsenal kulan ka dhacay garoonka St James’ Park kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 34-aad.

Arsene Wenger ayaa kulanka ku soo galay isaga oo is badal ku sameeyay shaxdiisa xiddigo muhiim ah oo uu ka mid yahay Mesut Ozil-na ka reebay kulanka gabi ahaantiisba.

Laakiin Arsenal ayayna arintaas saamayn ku yeelan waxana ay si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayaan in ku dhaliyaan goolal.

Gunners ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay ciyaarta wax ka badalaan iyaga oo daqiiqadii 14-aadba dhaliyay goolka ugu horeeya kulanka iyaga oo uu u dhaliyay Alexandre Lacazette isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Arsenal ayaa u muuqatay mid uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkeedu waxana ay Newcastle fursad u siisay in ay madaxa kor u qaado.

Newcastle ayaa arintaas ka faa,iidaysatay daqiiqadii 29-aad dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddigaha Ayoze Perez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Newcastle vs Arsenal, LIVE score: Premier League updates

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyaga oo u dareeray qolka labiska.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Labada kooxoodba soo galeen iyaga oo qalbiga ku haya in ay dhanka kale natiijada ugu rogaan kulankana hogaanka ugu qabtaan.

Kooxda martida loo ahaa ee Newcastle ayay arintaas u suurtogasha waxana ay daqiiqadii 68-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matt Ritchie kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Newcastle hogaanka ku hayso.

Waxana sidaas ku dhamaatay guul soo laabasho leh oo ay Newastle ka gaartay kooxda Arsenal iyaga oo sii xumeeyay xaalada Arsenal



Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada