Muuqaal: La Yaabka Adduunka Daawo Xayawaan Garsoore U Dhiibay Kubad Lagu Ciyaarayay Kulan Waliba Taageerayaasha U Sacabiyay

Garoomada kubada cagta ayaa maalin walba wax cusub ku arkaysaa kuwaas oo kaa yaabinaya marka aad aragto yaab iyo fajacna kugu noqonaya.

Horyaalka heerka 3-aad ee dalka Russia ayay ka dhacday dhacdo si weyn loo hadal hayo si weyna loola yaabay ka kulan horyaalkaas ka tirsanaa.

Sida caadada ah ama aynu horyaalada qaar ku aragno waxa garsooraha kulanka dhex-dhexaadinaya kubada u dhiiba caruur ka hor inta ayna ciyaartu bilaabmin.

Laakiin kulan u dhexeeyay kooxaha Mashuk-KMV & Angusht Ayay ka dhacday arin la yaab leh kadib markii xayawaan uu garsooraha u dhiibay kubada waliba taageerayaasha u sacabiyay Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada