Monaco Oo Heegan Galisay Kooxaha Liverpool & Arsenal, Xiddig Ay Ku Raad Joogeen Ayay Arin Cusub Uga Sheegtay Mustaqbalkiisa

Madaxweyn ku xigeenka kooxda Monaco Vadim Vasilyev ayaa heegan galiyay kooxaha Liverpool iyo Arsenal kadib markii uu qirtay arin ku saabsan xiddig ay kooxaha reer England ku raad joogeen ilaa xagaagii la soo dhaafay

Madaxweyne ku xigeenka Monaco Vadim Vasilyev ayaa qirtay inay kooxda Monaco dhagaysan doonto dalabyada kooxaha Liverpool iyo Arsenal kuna aadan xiddiga Thomas Lemar marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

22 jirka ayaa ah xiddig mustaqbal fiican leh waxana jira warar sheegaya in ay kooxda Monaco doonayso in ay ku iibsio lacag dhan 104 milyan oo euro xilli Arsenal iyo Liverpool yihiin kooxaha doonaya sida laga soo xigtay Telefoot.

Lemar oo ka ciyaari kara labada garab ee weerarka iyo waliba khadka dhexe ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Arsenal laakiin laga diiday dalab wakhti dambe ah.

Vasilyev ayaa u sheegay Telefoot: “Nasiib wacan kuwa doonaya.”

Lemar ayaan qaab fiican soo bandhigin xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ilaa haatan 2 gool dhaliyay xilli ciyaareedka horyaalka Laakiin caawiye ka noqday 8 gool oo kale.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada