Mohamed Salah Oo Sheegay Hal Wax Oo Uu Ku Doorsan Lahaa Goolashiisa 40-ka Ah Xilli Ciyaareedkan

Xiddiga wacdaraha u dhigaya Liverpool ee Mohamed salah ayaa sheegay hal arin oo uu ku badalan lahaa 40-ka gool ee uu u dhaliyay kooxdiisa Liverpool tartamada oo dhan.

Xiddiga rikoor jabiska ah ee Mohamed salah ayaa sheegay in uu gool walba oo ka mid ah goolashiisa 40-ka ah ku badalan lahaa ku guulaysiga tartanka champions League.

Xiddiga reer Egypt ayaa qaab gool cajiib ah oo kale dhaliyay kulankii ay Liverpool guusha 3/0 ah ka gaartay kooxda Bournemouth isaga oo noqday xiddiga 3-aad ee dhaliya 40 gool xilli ciyaareed kaliya lana bar-bareeyay xiddigaha Roger Hunt & Ian Rush.

Waxa uu sidoo kale noqday xiddiga 8-aad ee 30 gool ka dhaliya horyaalka premier League xilli ciyaareed kaliya iyo waliba xiddiga Africa ah ee sidaas sameeya.

Si kasta ha ahaatee dhamaan rikooradaas iyo abaalmarinaha shaqsiga ah ee uu uruursanayo ayaan waxba u noqon doonin hadii ay Reds bilaa koob baxdo xilli ciyaareedkan.

“Ku Guulaysiga tartanka champions League ah ayaa qof walba la wayn wax weyn, ma danaynayo wax kale”ayuu sharaxay.

“Wax shaki ah kuma jiro hadii la i dooran siin lahaa ku guulaysiga horyaalka iyo goolasha aan dhaliyo dabcan waxa aan dooran lahaa champions League”.

Salah iyo Liverpool ayaa wareega Semi-finalka ku aaday kooxdiisii hore ee Roma iyada oo lugta 1-aad lagu ciyaari doono garoonka Anfield.

Facebook Ku Dhiibo Aragtidaada Ama Qeybta Hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada